Saturday, August 27, 2022

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in marka horeba uu cunnugu ku bar baaro si aysan weeyaantiisa aysan u dhibin, kolkaa waaxan kula wadaagiin dariiqyada ugu suuragashay ee eed ugu dhiiri gelinkartid cunnuga wax akhriska ee kaalay oo ila daras:- - BILOW XILI HORE Sidaan horay u soo sheegnay wax akhrisku wuxuu u baahanyah barbaarin iyo xirfada, haddaba waa inuu waalidku u diyaar garoobaa siduu ilmihiisa ugu dhiirigelin lahaa wax akhriska, kolkaa waa inaan u kaba illanaa xiliga hore ee bar baarinta cunnuga inaad u diyaarino xayndaab wax akhris kaa oo u ogolaanay cunuga inuu ku dhex bar baaro xerro wax akhris oo nidaamsan. Waalidka waxaa looga baahanyah inuu xili hore bilaabo ku tarbiyadaynta cunnuga ee wax akhriska uga biloow in cunnugu uu wakhti koobban uu wax akhriyo ugu yaraan 6minit, kuna joogtay malintii tira ka dhowr jeer si uu ula qabsado cunnugu, sidoo kale ku xiisa geli cunnuga inta uu yaryah adiga oo isticmaalaya xeelada wax wakhriska ee aad ka bilowday naftaada kuna xejisay xayn daabkaaga oo uu kow ka yahay cunnugaga, weeydii su,aalo la xiriira mawduuca uu akhriya, kuna amaan wax akhriskiisa iyo dadaalka uu ku bixiyay inuu wax uun akhriyo waydii waxyaabaha uu jecelyah inuu akhriyo ama meelaha uu xiisaynayo, mararka qaarkood ka dalab inuu kuu akhriyo waxyaabaha uu jecelyahay si uu ugu dhiirado wax akhriska. la soco qaybta danbe.

Tuesday, August 16, 2022

SIDEE LOO XALIYAA KHILAAFKA QOYSKA

HABKA LOO XALIYO KHILLAFA QOYSKA Qodobadaan waxay kaa saacidi doonaan inaa si fudud uga takhalusto mushkiladaha kaa soo wajaha lamaanahag, ogoowna aduunka ma jiro qooys nool mushkilad la,aan ee waxaa lays dheeryah kartida iyo dulqaadka iyo dariiqa loo xaliyo, haddaba kaalay oo aan kula wadaago habka gundhiga u ah sida loo xaliyo khilafka qoyskaga kaga yimaada:- 1. WANAAJI XIRIIRKA ADI IYO ALLE IDIIN DHEXEEYA Alle ka cabsigu waa shayga keliya ee kaa dheerayn Kara dhib oo dhan, waxayna ku dhaxal siinaysaa inaa ku noolaato nolol ay farxadi camirtay, waxayna kuu furaysaa irido fara badda oo kaa xirnaa waatuna alle kor ahaaye yiri ومن يتق الله يجعل له مخرجا ويرزق من حيث لا يحتسب " " “Ruuxii ka baqa Alle wanxan u furna wado, waxaana ka irsaaqnaa meel uusan ogeeyn” Ogoow ruuxkasta oo hagaajiyay xiriirka alle ma hoogo, wana xaqiiq arinkaasi, Sidaa daraadeed ku dadal inaa wanajiso xirirka Alle iyo toobad keenka Alle wuxuu hagaajin xiriirka aad la wadaagtid makhluuqa intiisa kale, oo ay koow ka yihiin qoyskaaga, Ku dhis qoyskaaga Alle ka cabsi iyo xasuusta Alle, si ay iyaguna kuu xasuusiyaan marka aad gaftid ama ay xumaan kaa dhacdo. 2. OGOOW DHIBAATOOYINKA LAMAANAHA INAANAY MARKASTA AHEEYN DHIB OO KELIYA Alle subxaanu watacaala waa isaga lahaa ((وعسى أن تكرهوأ شيئا وهوخيرلكم وعسى أن تحبوا شيئا وهو شرلكم والله يعلم وأنتم لاتعلمون)). “Midkiina wuxuu nebcaysanayaa shay waxaana laga yaabaa in uu khayr ugu jiro, Midkiin wuxuu jeclaanaya shay waxaana suuragal ah in uu shar u yah alle baa idinka ogaal badan idinkuse ma ogidin’’ Marka waxaa suurta gal ah dhibta haday kaga timaato qoyskaga inay kugu jirto khayr oo uu Alle kugu intixaamayo sidaa daraadeed waa inaa markasta niyada ku haysa kalsonida Alle talana saarstaa, waxaa surowda inay khilaafkiinu uu waddo u noqdo jeceylkiina iyo kalsoonidiina oo kor u kacdo oo alle khayr idiin dhex dhigo ee iska illali durbadiiba inaad raja dhigtid oo aad ku calaacashid waan khasaaray oon fashilmay, sidaan maan filay, kama fiirsan, waan deg degay iyo ereyo kale oo aan waxba kuu soo celinayn, ku dadaal sidaa u sabri laheeyd una xalin laheeyd dhibka yare ee idin dhex yimi, markastana niyada ku hay in uu wanaag jiro hana ka faaruqin amalka iyo rajada wanagsan. Waxbadan waxaa la ogaaday in khilaafku uu wax iftiiminkaro ayna ku jirikarto faaiido muhiim u ah lamanaha waxana la dhahaa waa fure u baahan sabir iyo xalin wanagsn oo ka yimaada lamanaha is calmaday ee nolosha ku heshiiyay.

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...