Tuesday, August 16, 2022
SIDEE LOO XALIYAA KHILAAFKA QOYSKA
HABKA LOO XALIYO KHILLAFA QOYSKA
Qodobadaan waxay kaa saacidi doonaan inaa si fudud uga takhalusto mushkiladaha kaa soo wajaha lamaanahag, ogoowna aduunka ma jiro qooys nool mushkilad la,aan ee waxaa lays dheeryah kartida iyo dulqaadka iyo dariiqa loo xaliyo, haddaba kaalay oo aan kula wadaago habka gundhiga u ah sida loo xaliyo khilafka qoyskaga kaga yimaada:-
1. WANAAJI XIRIIRKA ADI IYO ALLE IDIIN DHEXEEYA
Alle ka cabsigu waa shayga keliya ee kaa dheerayn Kara dhib oo dhan, waxayna ku dhaxal siinaysaa inaa ku noolaato nolol ay farxadi camirtay, waxayna kuu furaysaa irido fara badda oo kaa xirnaa waatuna alle kor ahaaye yiri
ومن يتق الله يجعل له مخرجا ويرزق من حيث لا يحتسب " "
“Ruuxii ka baqa Alle wanxan u furna wado, waxaana ka irsaaqnaa meel uusan ogeeyn”
Ogoow ruuxkasta oo hagaajiyay xiriirka alle ma hoogo, wana xaqiiq arinkaasi, Sidaa daraadeed ku dadal inaa wanajiso xirirka Alle iyo toobad keenka Alle wuxuu hagaajin xiriirka aad la wadaagtid makhluuqa intiisa kale, oo ay koow ka yihiin qoyskaaga, Ku dhis qoyskaaga Alle ka cabsi iyo xasuusta Alle, si ay iyaguna kuu xasuusiyaan marka aad gaftid ama ay xumaan kaa dhacdo.
2. OGOOW DHIBAATOOYINKA LAMAANAHA INAANAY MARKASTA AHEEYN DHIB OO KELIYA
Alle subxaanu watacaala waa isaga lahaa
((وعسى أن تكرهوأ شيئا وهوخيرلكم وعسى أن تحبوا شيئا وهو شرلكم والله يعلم وأنتم لاتعلمون)).
“Midkiina wuxuu nebcaysanayaa shay waxaana laga yaabaa in uu khayr ugu jiro, Midkiin wuxuu jeclaanaya shay waxaana suuragal ah in uu shar u yah alle baa idinka ogaal badan idinkuse ma ogidin’’
Marka waxaa suurta gal ah dhibta haday kaga timaato qoyskaga inay kugu jirto khayr oo uu Alle kugu intixaamayo sidaa daraadeed waa inaa markasta niyada ku haysa kalsonida Alle talana saarstaa, waxaa surowda inay khilaafkiinu uu waddo u noqdo jeceylkiina iyo kalsoonidiina oo kor u kacdo oo alle khayr idiin dhex dhigo ee iska illali durbadiiba inaad raja dhigtid oo aad ku calaacashid waan khasaaray oon fashilmay, sidaan maan filay, kama fiirsan, waan deg degay iyo ereyo kale oo aan waxba kuu soo celinayn, ku dadaal sidaa u sabri laheeyd una xalin laheeyd dhibka yare ee idin dhex yimi, markastana niyada ku hay in uu wanaag jiro hana ka faaruqin amalka iyo rajada wanagsan.
Waxbadan waxaa la ogaaday in khilaafku uu wax iftiiminkaro ayna ku jirikarto faaiido muhiim u ah lamanaha waxana la dhahaa waa fure u baahan sabir iyo xalin wanagsn oo ka yimaada lamanaha is calmaday ee nolosha ku heshiiyay.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...
-
Ii ogollow inaa kula wadaago dhowr qodob oo kaa caawin kara inaad hanato qalbiga lamaanahaaga, haddii aad xaas tahay...
-
HABKA LOO XALIYO KHILLAFA QOYSKA Qodobadaan waxay kaa saacidi doonaan inaa si fudud uga takhalusto mushkiladaha kaa soo wajaha lamaanahag,...
-
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...
No comments:
Post a Comment