Thursday, July 21, 2022

SIDEE U SAAMAYN KARTAA QALBIGA LAMAANAHAGA?

                       

Ii ogollow inaa kula wadaago dhowr qodob oo kaa caawin kara inaad hanato qalbiga lamaanahaaga, haddii aad xaas tahay iyo haddii aadan aheeyb.

1.    ALLE KA CABSI

Marka  hore waxaa muhiim ah inaa aad adigu aad tahay qof alle ka cabsada kana dheerada waxkasta oo ka fogeeynaya xiriirka alle iyo isaga u dhexeeya waxaa hubaal ah in aad gu guulaysanaysid xiriirka aad la leedahay lamaanahaaga, waxaana hubaal ah hadii xirirka adi yo alle idiin dhexeeya uu xumaado in aad arki doonto xiriir xumo kaa soo wejehda qoyskaga, xoolahaga, iyo wixii la mid ah, waayo asxaabtii ayaa qaarkood lahaayeen in uu xiriirka anaga iyo alle noo dhexeeyaa uu wanaagsan yahay iyo in kale waxaan ka garanaa xoolahanaga iyo haweenkanaga sida ay noola dhaqmaan.

2.   DHOOLA CADEEY

Dhoolacadaynta ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee aad u saamayn kartiid lamaanahaaga iyo weliba bulsha qeeybaheeda kala duwan, sidoo kale waxay dawo u tahay naftaada waayo hadaad in badan dhoola cadeeysid waxaad dareemaysaa fir fircooni iyo farxad jismi ahaan, waxadna farxad gelin doontaa dhamaan dadka hareerahaga ah oo uu ka mid yahay lamanahaga iyo awlaadad

3.   KU BILOOW SALAANTA ISLAAMKA

Qodobkan waa mid gudhig u ah biloowga xiriir wanagsan oo aad la wadaagaysid lamaanahaaga iyo weliba bulshada, waana waajib saran qof kasta oo muslim ah in uu gudbiyo salaanta waana duco ka dhexeeysa muslimiinta gebi ahaan

Salantu waxay fur furtaa wejiyo aan wax aqoon ah isu laheeyn waxyna kaloo abuurtaa jaceeyl iyo is qaderin bulshada iyo lamaanaha dhexdooda ah.

Haddaba waxaa muhiim ah inaa ogaato in aad markasta oo aad rerkaga iyo gurigaaga aad soo gelaysid iyo marka aad bexeysidba aad isticmasho salaanta islamka si ay dhexdiina u camirto naxariis iyo galkacal

4.   U HADYEEY LAMAANAHAAGA

Hadyada ayaa waxaa la ogaaday inay tahay wax yaabaha ugu wanaagsan ee aad ku ث&ésaamayn kartid lamaanahaaga, bal qiyaas markaa qof saaxiibka ah aad wax u hadyasid sida uu dareemo, waxaad arkaysaa inuu qofkaasi ka ga dhoowyahy bulshada inta kale nabigu naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee waa isagii lahaa isu hadyeeya si aad isu jeclaataan.

Ogoowna hadyadu ma ahaan wax aad u weeyn inaa qofka aad siisid taa wax macquul ah ma ahaan, hadyadu waxay noqonkartaa ubax yar, nac nac yar, catar yar, mac macaano yar yar iyo wixii la mid ah ba, runtii lamaanahaaga wuxuu ugu fadhidaa qiimo weeyn inta yar ee aad u soo xushay, waxaadna ka degaysaa boos muhiim ah noloshiisa wayna adagtahy in ad isku hilmaantaan si fudud.

Gabadhu way u hadyayn kartaa wiilka waayo waa dhaqan aan wanaagsaneey  oo dhaahda oranaysa wax bixin ragaa la gu ogaa oo la micno ah inay haweenku sugayaal yihiin, xayndaabkaa waa inaa jebisaa gabaryah oo aad dhexda u xirataa sidaa ku kasban la heeyd saygaag aad ka xulatay dhamaan noolaha intiisa kale, una quur oo u hadyadee wixii aad awoodo si ay u siyaado muxubida dhexdiina ahaatay.

5.    NOQO DHEGEYSTE WANAAGSAN

Dhegaysiga wanaagsan waxa uu ka dhiganyahay furaha isfahanka nolosha lamaanaha, ogoow wilyahow gabadhyahay in dhegaysiga aad si wangsan u dhegaysatid qofka aad nolosha la wadaagtid uu abuuri karo Isfahan qotodheer oo ay ka buuxdo xiiso iyo galkaceeyl, waana furaha koobaad ee jiritaanka qoyska

Waxaana muhiim ah inaa ogaatid lamanahagu inuu kaa filayo wax sheegid, sida waxyabaha aad la kulantay maliinta intaa aad is mooganeedeen, waxa ku soo kordhay qoyska iyo wixii la mid ah.

Haddaba inta uu dhegaysigaagu u le egyahy ayuu leekan doonaa ixtiraanka aad ka filankartid qof kale, waxaana muhiim ah inaa ka run sheegtid dareenkaga iyo dhegaysigaagaba.

6. DHEGAYSIGA WANAAGSAN WAXAA SALDHIG U AH:-

A.    fiiri idhaha qofka kuu sheekeynaya

B.    u muuji dareen la socosho

C.    ka fogoow inaa ka dhex gasho sheekadiisa

D.    erayga ugu muhiimsan dib u gu soo celi

E.    dareensii xasilooni iyo inaa ku faraxsantah ag joogiisa

F.    su,aalo waydii markii uu sheekadu dhamaato

G.   isticmaal eryo ay dhiira gelin ku jirto

 7.  ISUQURXI LAMAANAHAGA

Qodobka waa asaaska wada noolasha lamaanaha, lakiin waxaa nasiib daro ah in bulshadeenu aysan fahmin in badan oo kamid ah wana dhibaatooyinka ka qayb qaata in si fudud loo kala tago uu na ku bur buro qoys muslim ah oo soomaaliyeed.

Gabadhyah wiilyahoow qofka aad nolosha la wadaagsid wuxuu kaa filayaa in uu kaa helo farxad iyo xiisa gelin; waxana saldhig u ah tusida quruxdaada iyo ku dadalida nadaafad guriga, nadiifinta jirkaga, iyo weliba lebiskaga, wana arin waajib ku ah qofka inuu nadiifiyo waayo waxaa ku sugnaantay xasilooni oo shaqsigu wuxuu dareemaa kalsooni marka uu si fiican u illaasho nadafta jirkiisa iyo deeganka ku xeeran.

Sidoo kale nadafadu waxay dawo u tahay indhaha iyo qalbiga waxaa suuragal ah inaad marar fara badan dareento cidhiidh sababtaa oo ka dhalata nadaafad darada waxana dareenka cidhiidhku ka imanayaa araga iyo qalbiga oo markaa karahsanaya waxa mesha ka jira, marka si aad u kasbatid lamanahaga waxaa lagaga baahanyah inaad ku dadaashid nadaafada naftaada iyo tan dhaman deeganka kugu xeera si aad u heshid kalsooni iyo farxad.

Alladaha loo adeegsado is qurxiinta waxaa ugu muhiimsan

i.             Carafta:- Walxaha carafta le sida cadarka uunsiga iyo baarafuunka

ii.            Lebiska:- oo ah arinka ugu wanagsan ee soo sara qofka bilicdiisa iyo jirkiisaba, xiro lebis ugaar ah xiliga aad la joogtiid lamanahaaga.

iii.           Cadayga:-  ku dadaal markasta inaad nadiifisid afkaaga

iv.          Indha kuusha:-  idha kuusha waxay kamid tahay waxyaabah soo saara quruxda qofka, sidoo kale waa dawo waxayna u fiicantahay indhaha.

                     

                                                                      💗 DHAMAAD

          LA SOCO QAYBAHA KALE..........💭💬

No comments:

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...