Hawa Abdalla
Saturday, August 27, 2022
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)
Tuesday, August 16, 2022
SIDEE LOO XALIYAA KHILAAFKA QOYSKA
Wednesday, July 27, 2022
SIDEE LOO DOORTAA LAMAANE?
Thursday, July 21, 2022
SIDEE U SAAMAYN KARTAA QALBIGA LAMAANAHAGA?

1. ALLE
KA CABSI
Marka hore waxaa
muhiim ah inaa aad adigu aad tahay qof alle ka cabsada kana dheerada waxkasta
oo ka fogeeynaya xiriirka alle iyo isaga u dhexeeya waxaa hubaal ah in aad gu
guulaysanaysid xiriirka aad la leedahay lamaanahaaga, waxaana hubaal ah hadii
xirirka adi yo alle idiin dhexeeya uu xumaado in aad arki doonto xiriir xumo
kaa soo wejehda qoyskaga, xoolahaga, iyo wixii la mid ah, waayo asxaabtii ayaa
qaarkood lahaayeen in uu xiriirka anaga iyo alle noo dhexeeyaa uu wanaagsan
yahay iyo in kale waxaan ka garanaa xoolahanaga iyo haweenkanaga sida ay noola
dhaqmaan.
2. DHOOLA
CADEEY
Dhoolacadaynta ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee aad u saamayn
kartiid lamaanahaaga iyo weliba bulsha qeeybaheeda kala duwan, sidoo kale waxay
dawo u tahay naftaada waayo hadaad in badan dhoola cadeeysid waxaad dareemaysaa
fir fircooni iyo farxad jismi ahaan, waxadna farxad gelin doontaa dhamaan dadka
hareerahaga ah oo uu ka mid yahay lamanahaga iyo awlaadad
3. KU
BILOOW SALAANTA ISLAAMKA
Qodobkan waa mid gudhig u ah biloowga xiriir wanagsan oo
aad la wadaagaysid lamaanahaaga iyo weliba bulshada, waana waajib saran qof
kasta oo muslim ah in uu gudbiyo salaanta waana duco ka dhexeeysa muslimiinta
gebi ahaan
Salantu waxay fur furtaa wejiyo aan wax aqoon ah isu
laheeyn waxyna kaloo abuurtaa jaceeyl iyo is qaderin bulshada iyo lamaanaha dhexdooda
ah.
Haddaba waxaa muhiim ah inaa ogaato in aad markasta oo aad
rerkaga iyo gurigaaga aad soo gelaysid iyo marka aad bexeysidba aad isticmasho
salaanta islamka si ay dhexdiina u camirto naxariis iyo galkacal
4. U
HADYEEY LAMAANAHAAGA
Hadyada ayaa waxaa la ogaaday inay tahay wax yaabaha ugu
wanaagsan ee aad ku ث&ésaamayn kartid
lamaanahaaga, bal qiyaas markaa qof saaxiibka ah aad wax u hadyasid sida uu
dareemo, waxaad arkaysaa inuu qofkaasi ka ga dhoowyahy bulshada inta kale
nabigu naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee waa isagii lahaa isu
hadyeeya si aad isu jeclaataan.
Ogoowna hadyadu ma ahaan wax aad u weeyn inaa qofka aad
siisid taa wax macquul ah ma ahaan, hadyadu waxay noqonkartaa ubax yar, nac nac
yar, catar yar, mac macaano yar yar iyo wixii la mid ah ba, runtii lamaanahaaga
wuxuu ugu fadhidaa qiimo weeyn inta yar ee aad u soo xushay, waxaadna ka
degaysaa boos muhiim ah noloshiisa wayna adagtahy in ad isku hilmaantaan si
fudud.
Gabadhu way u hadyayn kartaa wiilka waayo waa dhaqan aan
wanaagsaneey oo dhaahda oranaysa wax
bixin ragaa la gu ogaa oo la micno ah inay haweenku sugayaal yihiin,
xayndaabkaa waa inaa jebisaa gabaryah oo aad dhexda u xirataa sidaa ku kasban
la heeyd saygaag aad ka xulatay dhamaan noolaha intiisa kale, una quur oo u
hadyadee wixii aad awoodo si ay u siyaado muxubida dhexdiina ahaatay.
5. NOQO DHEGEYSTE WANAAGSAN
Dhegaysiga wanaagsan waxa uu ka dhiganyahay furaha
isfahanka nolosha lamaanaha, ogoow wilyahow gabadhyahay in dhegaysiga aad si
wangsan u dhegaysatid qofka aad nolosha la wadaagtid uu abuuri karo Isfahan
qotodheer oo ay ka buuxdo xiiso iyo galkaceeyl, waana furaha koobaad ee
jiritaanka qoyska
Waxaana muhiim ah inaa ogaatid lamanahagu inuu kaa filayo
wax sheegid, sida waxyabaha aad la kulantay maliinta intaa aad is mooganeedeen,
waxa ku soo kordhay qoyska iyo wixii la mid ah.
Haddaba inta uu dhegaysigaagu u le egyahy ayuu leekan doonaa ixtiraanka aad ka filankartid qof kale, waxaana muhiim ah inaa ka run sheegtid dareenkaga iyo dhegaysigaagaba.
6. DHEGAYSIGA WANAAGSAN WAXAA SALDHIG U AH:-
A. fiiri
idhaha qofka kuu sheekeynaya
B. u
muuji dareen la socosho
C. ka
fogoow inaa ka dhex gasho sheekadiisa
D. erayga ugu muhiimsan dib u gu soo celi
E. dareensii
xasilooni iyo inaa ku faraxsantah ag joogiisa
F. su,aalo
waydii markii uu sheekadu dhamaato
G. isticmaal
eryo ay dhiira gelin ku jirto
Qodobka waa asaaska wada noolasha lamaanaha, lakiin waxaa
nasiib daro ah in bulshadeenu aysan fahmin in badan oo kamid ah wana
dhibaatooyinka ka qayb qaata in si fudud loo kala tago uu na ku bur buro qoys
muslim ah oo soomaaliyeed.
Gabadhyah wiilyahoow qofka aad nolosha la wadaagsid wuxuu
kaa filayaa in uu kaa helo farxad iyo xiisa gelin; waxana saldhig u ah tusida
quruxdaada iyo ku dadalida nadaafad guriga, nadiifinta jirkaga, iyo weliba
lebiskaga, wana arin waajib ku ah qofka inuu nadiifiyo waayo waxaa ku
sugnaantay xasilooni oo shaqsigu wuxuu dareemaa kalsooni marka uu si fiican u
illaasho nadafta jirkiisa iyo deeganka ku xeeran.
Sidoo kale nadafadu waxay dawo u tahay indhaha iyo qalbiga
waxaa suuragal ah inaad marar fara badan dareento cidhiidh sababtaa oo ka
dhalata nadaafad darada waxana dareenka cidhiidhku ka imanayaa araga iyo
qalbiga oo markaa karahsanaya waxa mesha ka jira, marka si aad u kasbatid
lamanahaga waxaa lagaga baahanyah inaad ku dadaashid nadaafada naftaada iyo tan
dhaman deeganka kugu xeera si aad u heshid kalsooni iyo farxad.
Alladaha loo adeegsado is qurxiinta waxaa ugu muhiimsan
i.
Carafta:-
Walxaha carafta le sida cadarka uunsiga iyo baarafuunka
ii.
Lebiska:- oo
ah arinka ugu wanagsan ee soo sara qofka bilicdiisa iyo jirkiisaba, xiro lebis
ugaar ah xiliga aad la joogtiid lamanahaaga.
iii.
Cadayga:- ku dadaal markasta inaad nadiifisid afkaaga
iv.
Indha kuusha:- idha kuusha waxay kamid tahay waxyaabah soo
saara quruxda qofka, sidoo kale waa dawo waxayna u fiicantahay indhaha.
LA SOCO QAYBAHA KALE..........💭💬
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...
-
Ii ogollow inaa kula wadaago dhowr qodob oo kaa caawin kara inaad hanato qalbiga lamaanahaaga, haddii aad xaas tahay...
-
HABKA LOO XALIYO KHILLAFA QOYSKA Qodobadaan waxay kaa saacidi doonaan inaa si fudud uga takhalusto mushkiladaha kaa soo wajaha lamaanahag,...
-
KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...