Wednesday, July 27, 2022

SIDEE LOO DOORTAA LAMAANE?

SIDEE LOO DOORTAA LAMAANAHAAGA? SHAN QODOB OO KAA CAAWIN DOONTA SIDAA U DOORAN LA HEEYD QOFKAA NOLOSHA LA WADAAGAYSID 1. Waa inuu ahaadaa qof muslim ah 2. Waa inuu ahaada qof wanaagsan oo saalix ah 3. Waa inuu uu leeyahay masuuliyad weliba uu awoodaa inuu nafaqadada iyo tan qoyskiisaba uu maamulo 4. Waa in uu leeyahay nasab ama qoys wanagsan 5. Waa inuu ahaada mid qurux iyo joogba leh. “Suubanaha ayaan inoo sheegay oo yiri ku doorta haweenka, diintooda, nasabkeeda, xoolaheeda iyo quruxdeeda, wuxuuna sii raaciyay nabiga NNKH ku dhega mida diinta u saaxiibka ah” Ragguna marka laga hadlayo diinteenna Islaamku waxa ay u xaddiday laba shardi oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaa gabadha uu soo doontay loo guuriyo, labadaasi shardi oo kala ah; Diin iyo dabeecad, Rasuulka suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa). Dabeecaduna waa shayga u saamaxaya qofku inuu noloshisa si fudu u maareeyo, Sidaa daradeed inaguna waa inaa halkaa ka anba qaadanaa kuna jaangooynaa xulashadeena wixi diinteena ay Ina farayso, oo ay hurmuud u yihiin diinta, dhaqanka wanags, iyo anshaxa qof ahaaneyd, wana aniynu xooluhu iyo quruxdu ay noqotaa waxa ugu danbeeya ee aad ku qiimaynayso qofka, waayo labaduba way dhaman ogyihiin si fudu lakiin wanaaga iyo akhlaaqda wanagsan midna ma dhamaadaan. In badan oo naga mid ah waxay ka fikiraan muqal iyo xoolo waana sifo aan wanagsanay, xolaha shalay ruuxii haystay manta wuu ka maranyah, kii aan shalay haysana wuu haystaa, marka alle baa qaybiya risiqa iyo malka mana ahan wax ruuxu uu gacmihiisa ku wato faqri ama hanta. Miisaanka ugu wanagsan ee ruxu lagu misaama waa akhlaaqda iyo dadnimadiisa waana muhiim inaad ogaatid sifaha aad ruux ku xulanaysid, sidookale dabciga qofku waa rukun lama dhafan ah oo kaga bahan tixgelin taam ah ayna daruuri tahay ku xisaabtankeeda somaliduna waxay ku maah maahdaa” Dabeecado diinta waa ka bar” yacni waa qayb ka mid ah, waana tiir muhiim ah una baahan tix gelin. Q/R :- XAAWA ABDALLA Fadlan aragtidaada noo reeb. Dhamaad

No comments:

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ)

KU DHIIRI GELI CUNNUGAGA WAX AKHRISKA (ENCOURAGE YOUR CHILD TO READ) Waxakrisku waa xirfad u baahan xeelad iyo in la dabakhana mudana in m...